marka aad maqasho online ayaa lacag laga sameeyaa dadka waxad markiiba u malaynaysaa ina ay tahay ku dhufo oo ka dhaqaaq, lakiin waxay u baahan tahay in aad fahanto dhawr arimood, online sida shaqada caadiga ah ayaa waxa uu kaaga baahan yahay inaad waqti iyo galiso maskax si uu kuu noqdo mid midho dhal leh, saas awgeed waxa jira meelo badan ama siyaabo badan oo online looga shaqaysto adigoo raacaya qawaaniin caalami ah.
waxan aan maqaalkani kugu barayaa meelaha ugu muhiim san ee uguna fudud ee aad ka shaqaysan karto si nadiif ah, maadaama oo ay badan tahay sifooyinka looga shaqaysto online hadana waa ay sii kala fudud yihiin waxan maqaalkani kugu tusaya kuwa ugu fudud ee aad online-ahaan uga shaqaysan kartid adigoo kaliya isticmaalaya computer ama mobilkaaga gacanta, waxa aad u baahan tahay waa internet iyo inaad haysato agabyadan kusoo sheegay midkood.
Waxa aad u baahan tahay inaad xog dhamaystiran ka haysid su'aalahan hoos ku xusan si aad ula jaan qaadid ama aad u fahanto sida online looga shaqaysto si free ah.
- yaad u shaqaynaysaa?
- sidee lacagta lagu helaa?
- maxa la qabtaa?
- yaa damiin idiin ah waxii aad isla garan weydaan?
- maxa lagaaga baahan yahay siyaad online uga dhaqaysato?
Su aalahan oo faafaahsan xagan hoose ayaan kaga jawabay waliba si aad si waadixa u fahanto una hesho dhamaaan jawaabaha su'aalaha kor ku xusan, waxa aan ka bilaabaya su'aasha ugu horeysa ilaa tan ugu dambaysa si degan u akhriso maqaalka adigoo dhamaysanaya.
1.Yaad u shaqaynaysaa?
Waxad u shaqaynaysaa waa companies ama iskaa(freelancing), companies waxad la shaqaynaysa dad leh shirkado khaasa ah, waxaana loo shaqeeyaa nidaamyo kala duwan sida, inaad u qorto waxii qoraala ee ay u baahan yihiin, inaad isugu habayso sawiro, inaad isugu habayso xisaabo, inaad xaysiin u samayso IWM.
Tani waxay ku xidhan tahay cidaad la shaqaysanayso, waxay marka hore kuu sheegayaan sharci u yaala iyaga oo ay kuugu sheegayaan siday kugu siinayaan waxii aad ka shaqaysato iyaga inta badan waxay ku bixiyaan international Banks, PayPal iyo kuwa la mida ah, lakiin waxa ka horaysa inaad aad shaqaysato marka ugu horeysaba hadaad isweydiiso seen lacagta ku hellayaa runtii waa dhibaato waayo shaqee iyada lacagta timaade, marwalba oo aad shaqada aad joogtayso una daacad ahaato shaqadaada waxaynu ognahay in ay hubaal tahay inaad lacag ama dhaqaale kusoo galaayo,waxa aan marwalba kugu la talinayaaa inaad hal mawqif ama shaqo gaara ah aad xooga saarto hadaad boqolaal shaqo madaxa saarato ama aad istidhaah waad wada qaban kartaa waxay kugu keenaysaa inaad waxaba seegto, sidaa awgeeda fadlan hal shay xooga saar oo u samir waad ka midho dhalinaysaa hubaashii sida tusaale; blogging, youtube, facebook, tiktok iyo kuwa lamida.
2. Sidee lacagta loo hellaa?
marka aad u baahan tahay inaad online ka shaqaysato waxa aad ubaahan tahay wadadii ama meesha aad lacagta kula bixilahayd, hadaba wax jira wadooyin badan oo hadhaw markaad lacagta shaqaysato aad kula bixi karto waxab badana ugu wanaagsan oo lacagta aad kula baxi kartid waxa ka mida bank account, paypal, payoneer, badana kuwaasaa ugu caansan oo aad lacagta lagula baxa.
Ogow waxa jira kuwa lamida oo lacagta lagula baxo oo badan marwlba waxa ay ku xidhan tahay meeshaad lacagta aad ka shaqaysatay meesha ay ogol yihiin, la bixitaanka lacagtu waa ay fududahay wxa ka muhiimsan inaad aad shaqaysato marka hore lacagta ma waayi doontid meel aad lacagta aad kula soo baxdo ee kaliya xooga saar shaqadaada.
3. Maxaa la qabtaa?
Waxa aad qabanaysaa waxii ay kuu firaan inta badan waxaa laga heshiiya intaadan shaqada galin, waxana laguu firaya hal shaqo badanaa waxayna dadka u soo diraan warqad ay ku qoran tahay shaqada aad u qabanayso, waxa ay ilaaliyaan sharciga aad ku heshiisaan waayo waxay ka soo jeedaan wadamo caalami ah, taasina waxay keenaysaa inaanay kugu xadgudbin, waayo markaad cabasho ka gudbiso wadanka uu company ga uu ka soo jeedo ayaa la xisaab tanaaya.
waxad u baahan tahay inaad leedahay email kuu khaasa iyo inaad hasato id ama passaport badanaa inaad ayaa la is weydiiyaa, hadii aad freelancing ku shaqaynayso waxad u baahan tahay isla intaan uun freelance waa hab aad adiga iska uga shaqaysanaya online ka. waana ta ugu fiican in online looga shaqaysto waxana ka mida ah muuqaal samayn, maqaalo ama qoraalo aad website soo galiso, inaad wax barto dadka, inaad wax u xayasiiso dadka, iyo waxii la mida ah.
Waxaa jira habab badan oo lacag looga samayn karo online, laakiin qaar ka mid ah hababka ugu fudud ayaa kugu la wadaagayaa xagan hoose;
• AdSense: Waxaad ku shaqeyn kartaa website ama blog ku leh qoraalo ama sawiro, adiga oo ku xayiraya AdSense, si aad ugu heli karto lacag dulsaar ah.
AdSense waa shirkad ku taalla Google oo kuu ogolaaneysa inaad ku xirto website-kaaga ama boggaaga ads (muuqaallo ama qoraalo) oo ay leeyihiin shirkado kale. Marka dadka isticmaala website-kaaga ama boggaaga ay arkaan ads-yada, waxaad ka heli doontaa lacag dulsaar ah, ka dhigi in website-kaaga ama boggaaga uu yahay mid sharciga waafaqsan,Iska hubi inaad haysato traffic dheeraad ah website-kaaga ama boggaaga,Si aad u isticmaasho AdSense waxaad u baahan tahay inaad Sameyso Google AdSense account, Ku xidh website-kaaga ama boggaaga AdSense ads, marka website-kaaga ama boggaaga uu helo traffic dheeraad ah, waxaa laga bilaabi doonaa inaad ka heli doonto lacag dulsaar ah marka dadka isticmaala website-kaaga ama boggaaga ay arkaan ads-yada.
Adsense account-kaaga waxaad ku arki kartaa lacagta aad ka helayso iyo sidii loo kala soo baxay haddii aad website-kaaga ama boggaaga uu leeyahay traffic dheeraad ah, AdSense waa hab fiican oo lacag looga samayn karo online.
• Amazon Affiliate: (Amazon Associates) waa program kaas oo bixiya commission-ka aad ka heli karto marka aad iibsato alaabta Amazon ee dadka isticmaala website-kaaga ama boggaaga ay iibsadaan, amazon waxay ka mid tahay compani-yada ugu waa wayn dunida ee si freelancing ah aad uga shaqaysan kartid adiga oo buuxinaya dhamaan waxii sharuudo ah ee ay kaaga baahan yihiin, badana waxay xooga saaraan dadka uu websitkooda uu leeyahay traffic badan ama ay dad badani ku xidhan yihiin hadii ay website-kaaga ay ku xidhan yihiin dad badan waa fursad aad u fiican inaad la shaqayso anazon, marwalba ku dadaal website-kaaga inuu leeyahay more organic traffic oo ah inuu ay soo booqdaan dad badan oo sax ah xataa waa meesha ay xooga saarto shirkada adsense marka aad rabto inaad lacag ka samayso bloog ama wordpress.
• Sameyso Amazon Affiliate account: Waxaad ku samayn kartaa account-ka Amazon Affiliate oo dhamaystiraya faahfaahintaada si aad u bilaabi karto.Ku xir link-yo gaar ah: Ka dib markaad account-ka ka hesho, waxaad heli doontaa link-yo gaar ah oo aad ku xiran karto website-kaaga ama boggaaga, kaas oo dadka isticmaala website-kaaga ama boggaaga ay ku iibsadaan alaabta Amazon.
• Raadinta alaabta: Raadi alaabta aad rabto inaad ku xirtid website-kaaga ama boggaaga, waxaa jira qaar ka mid ah alaab ay fiican tahay in la iibsado sida kuwa ugu cusub ee lagu soo kordhiyay ama kuwa ugu sareeya ee lagu iibiyo suuqyada, iska hubi inaad haysato traffic dheeraad ah website-kaaga ama boggaaga uu leeyahay.
Marka ay dadku isticmaala website-kaaga ama boggaaga ay iibsadaan alaabta Amazon ee aad ku xirtay link-yada gaarka ah, waxaad ka heli doontaa commission. Amazon Affiliate account-kaaga waxaad ku arki kartaa lacagta aad ka helayso iyo meesha ay lacagtu kaa timid si fudud. haddii aad website-kaaga ama boggaaga uu leeyahay traffic dheeraad ah, Amazon Affiliate waa hab fiican oo lacag looga samayn karo online.
• Online surveys: Waxaad qaban kartaa survey-yo online, si aad u hesho commission dheeraad ah nidaamkan waa mid sidoo kale aad lacag uga samaynayso gudaha online.Online surveys waa nidaam aad qabanayso adeegyo ama badeecooyin aad suuq gaynaysid.
• Online tutoring: Waxaad ku shaqeyn kartaa sidii macallin online ah, tani waa nidaam wax barasho waxa aad wax baraysaa dadka, waxanad baraysaa hadba waxaad aqoon u leedahay halkaana waxa aad dadka aad wax bartay ka qaadaysaa lacag, waana hab aad online uga shaqayn kartid lacag.
• blogging: dhigi blogging waa inaad leedahay website sida blogger website ama worpress, tani waa fursadaha ugu fudud dhanka online ka marka la eego kuwa kale ee badan hadaba waxa lagaaga baahan yahay inaad dhisto website aad u quruxbadan oo ay ku jiraan maqaalo ama qoraalo iyo sawiro aad u qurux iyo tayo badanba, waxa hubaala hadii aad websitekaaga aad ka dhigto mid soo jiidasho leh oo waafaqsan dhamaan shuruudaha uu kaa rabo adsene si uu website kaagu u noqdo mid si fudud laguugu soo aqbalo.
Hadii aad rabto inaad online aad lacag ka shaqayso waxaad u baahan tahay casharo taxane ah oo aad, oo aad ku fahmayso ka aad rabto inaad si qoto dheer u barato. Hadii aad u baahan yahay igala soo xidhiidh whatsapp chat icon ka ama dhamaan social media hayga.
4. yaa damiin idiin ah waxii aad isla garan weydaan?
shirkadwalba oo aad la shaqayn doontid waxa ay leedahay shuruuco lagula shaqeeyo oo lasoo buuxiyo, sida adsense oo kale shirkadani waxa ka mida shuruudaheeda inaad soo buuxiso hadii aad leedahay blogger ama youtube oo ay shirkadani ay base u tahay mid walba shuruuco u gaara oo adiga iyo shirkada idin dhexeeya oo caalami ah oo ay dawladaha iyo dadka ay wadashaqeeyeenba og yihiin.
haka baqin inay shirkadaha aan kusoo sheegay waxaaga musuqmaasuqaan waayo mudo dheer ayay soo shaqaynaayeen iyaga iyo adigaba dan ayaa idinka dhaxaysa saa awgeed waa inaanad ka baqin maraba, kaliya waxa aad iska ilaalisa inaad adiga aad wax khalada la timaado marwalba waxa muhiima inaad akhrido terms and conditions kooda iyo privacy policy u yaal waraaqadan badana waxaad arkaysaa marka aad isdiwaan galinayso oo hore ayay dadka ka tusaan si ay u akhristaan una fahmaan shuruucaha shirkada u yaal, saa awgeed waa inaad akhridaa warqadaasi hadii ayna hore kaaga soo tuurin waxainta badan laga hellaa meelaha hoose ee website-kooda.
5. maxa lagaaga baahan yahay siyaad online uga dhaqaysato?
Si aad ula shaqeyso shirkadaha waaweyn sida Amazon Associates ama AdSense, waxaa muhiim ah inaad raacdo shuruucda iyo shuruudaha ay dejisteen shirkadahaan. Halkan waxaa waxan kuugu sharaxay tillaabooyinka muhiimka ah ee lagaa rabo:si aad ula shaqaysato shirkadahan
Tusaale Amazon Associates:
1. Diyaarso Website: Hubso in website-kaaga uu yahay mid buuxiya shuruudaha Amazon. Waa inuu yahay website nadiif ah oo ka kooban maqaalada asal ah ama aad adiga gacantaada ku qortay
2. Iska Diiwaangelinta Amazon Associates: Booqo bogga Amazon Associates oo samee xaccount kuu gaara. Waxaad u baahan doontaa inaad bixiso macluumaadkaaga shaqsiga ah iyo kuwa website-kaaga.
3. Raacida Shuruudaha Adeegga: Akhri shuruudaha iyo siyaasadaha Amazon Associates. Waa muhiim inaad raacdo shuruucda ku saabsan sida loo isticmaalo links-ka ka kooban xiriiriyayaasha (affiliate links).
4. Diyaarinta waraaqda Canshuurta: Waxaad u baahan kartaa inaad bixiso macluumaadkaaga canshuurta iyadoo ku xiran dalkaaga iyo kan Amazon waa muhiim inaad leeadaahay warqada cashuurbixinta ee wadankaaga iyo kan amzon ba.
5. Xaqiijinta iyo Oggolaanshaha: Amazon waxay xaqiijin kartaa website-kaaga kahor intaadan bilaabin inaad isticmaasho xiriiriyayaasha affiliate-ka waayo waxa ay eegaysaa inad diyaar u tahay shaqadan oo website-kaguna soo kale diyaar yahay.
tusaale kale, Google AdSense:
1. Diyaarso Website: Waxa muhiima inuu ditaar u yahay website-kaga in ay shirkadu aqbali karto hubso in website-kaaga uu yahay mid leh maqaallo tayo leh oo sax ama asal ah. Waa inuu buuxiyo shuruudaha Google AdSense.
2. Iska Diiwaangelinta Google AdSense: Booqo bogga Google AdSense oo samee account adsense ah. Waxaad u baahan doontaa inaad bixiso macluumaadkaaga shaqsiga ah iyo kuwa website-kaaga.
3. Raacida Siyaasadaha AdSense: Akhri oo raac siyaasadaha iyo shuruudaha AdSense. Waa muhiim inaad raacdo shuruucda ku saabsan sida loo dhejiyo xayeesiisyada shirkada adsense.
4. Diyaarinta Macluumaadka Canshuurta iyo Lacag-bixinta: Waxaad u baahan kartaa inaad bixiso macluumaadkaaga canshuurta iyo xogta koontadaada bangiga si aad u hesho lacagaha.
5. Raadinta Oggolaanshaha: Google waxay xaqiijin kartaa website-kaaga kahor intaadan bilaabin inaad dhejiso xayeesiisyada AdSense.
Talooyin Dheeraad ah:
- Diiwaangelinta Shirkadda: Ku-xirnaanta shirkadaha waaweyn sida Amazon Associates iyo AdSense waxay noqon kartaa mid ku fudud haddii aad leedahay website dhamaysa oo diiwaangashan.
- Akhrinta Shuruucda Cusub: Mar walba la soco isbeddelada ku yimaada shuruucda iyo siyaasadaha shirkadaha aad la shaqeyneyso.
Raacitaanka tillaabooyinkaan waxay kuu sahlayaan inaad si sharci ah ula shaqeyso shirkadaha waaweyn iyo inaad ka fogaato dhibaatooyin sharci
0 Comments